GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO MAALINTII SHANAAD KU SUGAN MAGAALADDA XARARDHEERE
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka Dhulka oo maalintii 5aad ku sugan magaalada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa Kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida, qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka gobolka iyo kan degmada Xarardheere.
Kulankaan ayaa looga hadlayay adkaynta Amniga Degmada Xarardheere iyo joogteynta howlgalada lagu xoreynayo deegaanada kale ee Galmudug.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Xarardheere oo haatan wajahaya xaalado biniโaadanimo, asagoona baaq u diray DFS iyo beesha caalamkaba inay la soo gaaraan gargaar.