GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO KA QEEYB GALAY NIGAAX KA DHACAY MADAXTOOYADA JABUUTI
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ayaa ka qeybgalay munaasabad nikaax oo si heesare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti.
Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, madaxweynaha Soomaaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, Raโiisul wasaarayaashii hore ee XFS, madax iyo masuuliyiin kale ayaa aheyd munaasabad dhaqan, halkaas oo uu ka dhacay nikaaxa Xil. Saadaq Cumar iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.
ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa hambalyo u diray qoyska cusub, uguna duceeyay in Ilaaheey isku barakeeyo.