GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
MADAXWEYNAHA GALMUDUG IYO WASIIRKA GAASHAANDHIGGA DFS OO KA QEYB GALAY SIYAARADA XAAJI YUUSUF XASAN
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeybgalay siyaarada Xaaji Yuusuf Xasan oo ay galabta iskugu soo baxeen culimada magaalada Baxdo iyo deegaanada hoos taga.
Madaxweynaha oo khudbad kooban ka jeediyay xuska, asagoona salaan iyo bogaadin kadib sheegay in la sii xoojin doono howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ee looga sifeynayo deeganada Galmudug iyo gabi ahaanba Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay culimada iyo dadka deegaanka doorkooda ku aaddan la dagaalanka khawaarijta iyo sida reer Baxdo loogu xasuusto casharadii lama ilaawaanka ahaa ay u dhigeenka dhagar qabayaasha khawaarijta ah.