Rasomit Rasomit
  • Wararka
  • Cayaaraha
  • Caafimaadka
  • Warbixinada

Breaking News

Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka Ka Furmaya Laascaanood…

Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?

Ethiopia Iyo Sudan Oo Ka Heshiiyey Murankii Biyo Xidheenka Wabiga Nile

Siyaasi Nuura Diin, Xukuumada Somaliland Waa Mid Habayac Ah Oo Huruda….

ISRAAIIL OO WEERARO DUQEYN AH KA GEESATAY QAZA

  1. Home
  2. Wararka
  3. MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO SOO DHOWEEYAY DADAALKA URURADA SIYAASADDA EE KA QEYBGALKA DOORASHADA GOLEYAASHA DEEGAANKA.
 MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO SOO DHOWEEYAY DADAALKA URURADA SIYAASADDA EE KA QEYBGALKA DOORASHADA GOLEYAASHA DEEGAANKA.
Wararka

MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO SOO DHOWEEYAY DADAALKA URURADA SIYAASADDA EE KA QEYBGALKA DOORASHADA GOLEYAASHA DEEGAANKA.

by Fitaah Diinle December 26, 2022 22 0 Comment

AA

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa Qoraal uu soo saaray kusoo dhoweeyay dadaalka Ururada Siyaasadda Puntland ee ka qeybgalka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka Puntland.

“ Waxaan 8-dii December 2022 iyo 18 December 2022, aan kulamo la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland, waxaan dhegaystay soojeedimahooda la xiriira arrimaha Doorashooyinka iyo waxkasta oo aan u arkeynay in ay cabasho ka muujinayaan si xal looga gaaro, kulamadaasi waxaa ay qeyb ka ahaayeen kuwo aan la qaatay Guddiga Doorashooyinka iyo Ururada Bulshada si loo dardargeliyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Ururada Siyaasadda Puntland waxaa ay ila wadaageen 13 qodob oo ay u arkeen kuwo u baahan in wax laga qabto kahor xiliga doorashada, 11 qodob oo ka mid ah soojeedintooda waxaan ka bixinay garowshiyo oo qeybtood waxaan dhameystirnay iyadoo ay kulamadu noo socdaan, halka 2 qodob ay u baahdeen wax ka bedel Sharci.Sidaas darteed:-

1. Waxaan dhameystirnay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah taasi oo bud-dhig u ah Doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Hay’addaha Dowliga ah ee Puntland.

2. Waxaan soo dhoweynay in la isla qaatay wakhtiga diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee 05ta January 2023, iyadoo ururada siyaasadda fursad loo siiyey in ay u diyaar garoobaan diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha 17-ka degmo oo ka tirsan Gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

3. Waxaan garowsanay in Ururada Siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka ee TPEC ay is fahan ka gaaraan qodobka ku saabsan hab-ka doorashada ee Liistada xiran iyadoo aan wax loo dhimayn Xeerka Doorashooyinka Puntland.

4. Doorashooyinka Goleyaasha deegaanku waxaa ay ka dhici doonaan degmooyinka Puntland, iyadoo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha la isu raacinayo hadba sida Gobolladu isu raaci karaan, markii ay soo dhamaato diiwaan-gelintu Waxaa ay doorashadu dalka ka wada dhacaysaa hal maalin sida Dastuurku uu dhigayo.

5. Waajibaadka Guddiga Doorashooyinka ayeey ka mid tahay in ay ururada siyaasadda la wadaagaan xaaladda deegaannada Doorashadu ka dhacayso ee 37-da degmo kahor xiliga doorashada, waana in ay noqdaan deegaanadaaasi kuwo si hufan, siman oo daah-furan ay uga dhacdo Doorashadu iyadoo uusan Ururna si gaar ah wax u sheegan karin.

6. Si loo yareeyo waxkasta oo caqabad ku noqon kara hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo Doorashooyinkaba, waxaa ay Dowladdu ka shaqeynaysaa xalinta cabashooyinka ku saabsan soohdimaha kahor intaan la gaarin wakhtiga Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.

7. Waxaan ku baaqayaa in la dhawro habraacyada iyo nidaamka xisbiyada Puntland, xubin kasta oo ku soo baxda magac urur isla markaana ka baxda ururka oo ku biirta midkale ama ka hor timaada ajandaha ururkiisa, waxaa ay dhuminaysaa xasaanadda, waxaana booskiisa ururku u magacaabaya qofkii ku soo xigey isaga.

8. Sida hore uga dhacday saddexdii degmo ee ay Doorashooyinka ka qabsoomeen, Ururkasta oo hela aqlabiyadda codadka deegaan doorasho, ama isbaahaysi ku yimaada labo urur, Waxaa ay xaq u leeyihiin in ay soo dhisaan maamulka degmadaasi iyaga oo ka madax banana faro-gelin.

9. Waxaan usoo jeedinayaa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, in dhammaan shaqalaaha ay u qaadanayaan Doorashooyinka ay noqdaan kuwo la waafijiyey habraacyadooda iyo xeerarka u yaalla, si loo illaaliyo daah-furnaanta shaqo iyo habka maareynta dhallinyarada loo qaatay arrimaha doorashooyinka.

10. Anagoo tixgelinaynaa duruufaha dhaqaale ee jira iyo muhiimada ay leedahay in Ururadu Siyaasadu helaan waxyaabaha asaasiga u ah, waaxa la kordhiyey kharashka Dowladdu ku kabto Ururada Siyaasadda Puntland.

11. Si loo illaaliyo Anshaxa Doorashada, waxaa muhiim ah in la dhiso Guddiga Anshaxa iyo Illaalinta Sharafta Doorashada (Election Integrity Commission).

Maadaama aan 90% ka jawaabnay dhammaan soojeedimihii Ururada siyaasadda Puntland, waxaan iyagana uga mahadcelinaya in ay fahmeen si waaqici ah in aysan suuragal aheyn wax ka bedel hadda lagu sameeyo, labada qodob ee kala ah.

➢ In la furo nidaamka xisbiyada ee xadidan oo ku xusan Dastuurka Puntland.

➢ In la dhimo tirada Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntlnad.

Hirgelinta hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland waa rajada shacabkeenna, waa sida keliya ee awooda loogu dhoweyn karo shacabka, sidaasi darteed Ururka aan guddoomiyaha u ahay in uu guuleysto waxaa igala muhimsan in nidaamku guuleysto oo codka shacabka lagu tartamo.

Ugu danbeyn waxaan boggaadinayaa dadaalka Ururada Siyaasadda ee ku wajahan ka qeybgalka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland, waxaana ka dowladd ahaan diyaar u nahay in aan waxkasta oo shaki ku keeni kara doorashooyinka wax ka qabano. Sidoo kale waxaan rajeynayaa in wakhtiga harsan wadajir la isugu diyaariyo diiwaan-gelinta iyo Doorashooyinka.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka

by Raad Raac January 28, 2023 0

Shirka Isimada Dhaqanka iyo guddiyo kale oo weheliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Laascaanood

Wararka

Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee

by Raad Raac January 27, 2023 51

ay u saamaxayso dowladda Soomaaliya, inay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga

Wararka

Ethiopia Iyo Sudan Oo Ka Heshiiyey Murankii

by Raad Raac January 27, 2023 26

Hogaamiyaha militariga Sudan, ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.