MADAXWEYNAHA DDS OO XARIGA KA JARAY KORONTADA 24 SAAC EE WARDHEER
Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa Xadhiga kajaray Korontada 24ka saac ee Magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doolo.
Mashruucan oo ay kubaxday miisaaniyad dhan inkabadan 130 Milyan oo Birr, ayaa awooda korontadiisu tahay 33KV waxaana Laydh galin lagu sameeyay 7 Magaalo oo ay kamidyihiin; Ceelxaar, Kudunbuur, Ba raajisaale, Yucucub, Garlogubay, Waafdhuug iyo Magaalada Wardheer. Waxa uu sidookale Madaxwaynuhu Maanta Xadhiga kajaray Isbitaalka Magaalada Wardheer iyo Mashruuca Biyogalinta Magaalada.