MADAXWEYNAHA DDS OO AALADDA ZOOMKA UGU SOO XIRAY SHIRKII U SOCDAY XISBIGA BARWAAQO
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa aalada tooska ah ee lagu wada xidhiidho ( Internet) kusoo xidhay tababarkii usocday hogaaminta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalooyinka: Dhagaxbuur, Wardheer iyo Hargeelle.
Tababarkan waxaa ka qeybgalay ku dhawaad 1000 xubnood waxaana la filayaa in loosii dhaadhiciyo cashirada lagu qaatay hogaaminta hoose ee xisbiga.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in hogaaminta dhexe ee tababarka ku qaadanaysay gobolka Doollo oo nasiib u yeelatay in culimo uu hogaaminayay Sheekh Maxammed Cabdi Umal usoo jeediyo hadallo waano ah oo ku qotomo masuuliyadda hoggaaminta dhexe ee ka saaran bulshada ay adeegga siinayaan.