MADAXWEYNAHA DDS IYO SHEIKH UMUL OO DHAGAX DHIGAY MACAD DIINTA LAGU BARANAAYO.
Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Sheekh Maxammed Cabdi Umal ayaa magaalada Wardheer ka dhagax-dhigay mac’hadka barashada diinta iyo dunuubiga ee Xaaji Ibraahim oo ay ka faa’iideysan doonaan Shacabka Wardheer iyo guud ahaan gobolka Doollo. Mac’hadkan ayaana lagu dhisi doonaa isku-tashi shacab iyada oo la kaashanayo xukuumadda.