Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. MADAXDA WASAARADDA QORSHEYNTA OO KULAN LA QAATAY XARUNTA QALKA SARE GUDIGA ARIMAH DIBADDA
 MADAXDA WASAARADDA QORSHEYNTA OO KULAN LA QAATAY XARUNTA QALKA SARE GUDIGA ARIMAH DIBADDA
Wararka

MADAXDA WASAARADDA QORSHEYNTA OO KULAN LA QAATAY XARUNTA QALKA SARE GUDIGA ARIMAH DIBADDA

by Fitaah Diinle January 8, 2023 199 0 Comment

AA

Madaxda sare Wasaaradda Qorsheynta ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Aqalka Sare Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Aqalka Sare.

Kulanka oo uu hogaaminaaye Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimaha Guud Hay’adda Istaatistikada Qaranka Mudane Sharmarke Faarax, Agaasime ku xigeenka hay’adda mudane Cabdiraxmaan Daahir Cumar, Agaasimayaasha Waaxaha iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka Wasaaradda sannadkaan cusub ee 2023, howlaha horu-tabinta u leh dalka, xogaha deeqaha caalami, mashaariicda dalka ka socda iyo saameynta togan ee bulshada ku yeesheen, dhiiragelinta maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo howlaha kala duwan ee horyaala Hay’adda Istatistikada Qaranka oo ay ka mid tahay tirakoobka dadweynaha iyo guryaha ee dalkeenna.

Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga waxey boggaadiyeen daddaalada Wasaaradda waxayna ballan qaadeyn fududeynta arrimaha kaga aaddan sharci dejinta gaar ahaan hindiso sharciyeedyada ee Wasaaradda soo gudbisay.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.