Maayarka Degmada Sallaxley ayaa dhul ugu deeqay kuna wareejiyay Baanka dhexe ee JSL.
Masuuliyiin ka socday Baanka dhexe ee JSL oo gaadhay Degmada Sallaxley, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka dagmada Sallaxley iyagoo kulan ku yeeshay xarunta dawladda hoose ee Degmadaasi.
Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa kasoo qayb galay xoghayaha fulinta gobolka Maroodijeex iyo gudida Sahan Barwaaqo,
Waxaana Todobaadka dambe la dhagax dhigi doona xarunta Baanka dhexe ee Sallaxley iyadoo ay ku xigi doonto bilaabitaanka dhismahiisa.