GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
MAAMULKA WASAARADDA DHALINYARADDA IYO CIYAARAHA OO MEEL MARIYAY QORSHO MEELEEDKII SANADKA 2023.
Iyadoo la fulanayo warqadda balanqaadka ee wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud uu la galay Raisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre lana labo jibaarayo waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayuu wasiirka wasaaraddu shir guddoomiyay kulanka dardargellinta shaqada iyo fulinta xaashida balanqaadka Raisul Wasaaraha.
Shirkan oo lagu ansixinayay qorshe hawleedkii 2023 waxaa ka soo qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye agaasime waaxeedyada iyo la-taliyayaasha wasaaradda waxaana lagu lafa guray sidii sanadka 2023 ee hadda bilowday looga dhabayn lahaa balanqaadkii uu wasiirka wasaaraddu la galay Raisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka koobnaa 14 halbeeg(Milestone) iyo 65 shaqo hawleed.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo waaxda qorshaynta wasaaradda ayaa shirka la wadaagay qorshe hawleedka sanadka 2023 waxaana si guud la isugu raacay qorsha ay soo gudbiyeen.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta wasaaradda in todobaad walba iyo bil walba lasoo bandhigo waxyaabaha ka qabsoomay qorsheyaasha wasaaradda ee 2023 si looga dhabeeyo hiigsaga wasaaradda ee ah in dhalinyarada Soomaaliyeed la hormariyo lagana faa’iidaysto awooddooda maadaama wasaaraddu u xilsaarantahay jihaynta dhalinyarada.
14 halbeeg ee wasiirku kula heshiiyay Raisul Wasaaraha waxaa ka mid ansixinta Siyaasadda dhalinyarada Soomaaliyeed, dhamaystirka siyaasadda Sports-ka, dhismaha golaha dhalinyarada qaranka, dhismaha hay’adda sare ee horumarinta ciyaaraha dalka, siyaasadda la-dagaalanka maandooriyaha( daroogada) oo dhibaato badan ku haysa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo fara badan kuwaasoo isugu jira siyaasaddo, hindise sharciyeedyo iyo qorshayaal horumarin.