MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO FAARA BIXIN KA BILAABAY BULAACADAHA DAGMADDA WARTA NABADA
Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee M/mulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, ayaa daah-furay dhismaha mashruuca Faara-bixinta bullaacada degmada Warta-Nabadda.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib u habaynta iyo faaro-bixinta bullaacadda degmada Warta-Nabadda ay qeyb ka tahay qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib loogu howlgelinayo xarumihii biyo qabadka Caasimadda, maadaama loo diyaar garoobayo xili roobaadka.
Guddoomiye Xasan ayaa ugu baaqay shacabka degmada Warta-nabadda in ay ka ilaashadaan qashinka warahooda.