Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. MAAMULKA DAGMADDA XUDUR OO KULAN LAQAATAY SARAAKIISHA ETHIOPIA EE KU SUGAN DAGMADDA XUDUR.
 MAAMULKA DAGMADDA XUDUR  OO KULAN LAQAATAY SARAAKIISHA ETHIOPIA EE KU SUGAN DAGMADDA XUDUR.
Wararka

MAAMULKA DAGMADDA XUDUR OO KULAN LAQAATAY SARAAKIISHA ETHIOPIA EE KU SUGAN DAGMADDA XUDUR.

by Fitaah Diinle December 25, 2022 20 0 Comment

AA

Kulankaan oo ka dhacey xaruunta Ciidamada Ethiopia ee mgaalada Xudur waxaa ka qeybgaley Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad Cali Xuseen iyo Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Degmada Raxmo Nuur Aadan ayaa looga Hadley boogaadinta kaalinta Ciidamada iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee kusugan magaalada, kuwaasoo oo qeyb weyn ka qaatey la dagaalanka Argagaxisada Alshabaab iyo inay gargaar u sameeyaan Bulshada kala duwan ee dhibaatooyinka Ragaadiyey.

Gudoomiye Raxmo Nuur Aadan ayaa Saraakiisha CIidamada uga mahadcelisey Kaalintooda muhiimka ee dhankasta ay uga garab istaaganyihiin Bulshada, waxeyna xustey in Ciidamada ay waxbadan u qabteen Bulshada waxey Bulshada u muujiyeen kalsooni oo Cadowga ayey ka xureeyeen, gargaar ayey u sameeyeen iyo Sidoo kale habeen iyo maalin ay u taaganyihiin badbaadinta Bulshada.

Dhammaa masuuliyiintii ka qeybgashey ayaa amaan usoo jeediyey CIidamada iyo Dowladda Ethiopia, sida Bulshada mudada dheer dhibaatooyinka kujireen ay u garab istaageen, Sidoo kale Kulanka ay manta yeesheen maamulka iyo Saraakiisha ayaa waxaa deeq Lacageed oo gaareysa 500$ oo ay iska soo aruuriyeen Ciidamada Etheopia lagu wareejiyey midkamid ah Bulshada oo dhibaato Nololeed ku heysatey magaalada Xudur, waxeyna sheegeen in muhiim ay tahey in la is garab siiyo.

Kulanka ka dhacey xaruunta CIidamada Ethiopia ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Xubno katirsan Golaha Deegaanka Degmada Xudur, maamulka Gobolka iyo marti sharaf kale, Dhammaantood ay isku raaceen in Ciidamada Dowladda Ethiopia ay yihiin kuwo Naftooda iyo maalkooda ay ku garab siinayaan Bulshada magaalada Xudur ayna kaga mahadcelinayaan.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.