MAAMULKA DAGMADDA JARRATI OO QABTAY QIIMEENTA 6DII BILOOD HOWLAHA MAAMULKA UU QABTAY
Maamulka degmada Jarrati ee gobolka Af-dheer ayaa qabtay qiimeynta warbixinta waxqabadka lixdii bilood ee lasoo dhaafay.
Qiimeyntan maamulka degmada Jarrati oo uu furay guddoomiyaha gobolka Af-dheer Mudane Shugri Xasan Barre ayaa ujeedku yahay dhagaysiga iyo qiimeynta warbixinta waxqabadka lixdii bilood ee sannad-miisaaniyadeedkan 2015-ka t.i.
Gabo’gabadii qiimeynta warbixinta waxqabadka lixda bilood ayaa dhammaan maamullada degmooyinka ooga furmay goobahooda si gaargaar ah.