Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Maalgashiga Tamartu wuxuu Kobciyaa Dhaqaalaha Dalka.…
 Maalgashiga Tamartu wuxuu Kobciyaa Dhaqaalaha Dalka.…
Wararka

Maalgashiga Tamartu wuxuu Kobciyaa Dhaqaalaha Dalka.…

by Raad Raac December 15, 2022 45 0 Comment

AA

Guddoomiyaha Komishanta Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadarre,ayaa faah faahin ka bixiyay qiimaha tamartu u leedahay kor u kaca iyo kobaca dhaqaalaha,waxaanu tilmaamay marka la hagaajiyo shuruucda Tamarta iyo adeeg bixin  hufan oo ku shaqaynaysa shuruucda dalka leha liisan qaadaya masuuliyadda bixinta adeegga korontada ay bulshada Somaliland u baahan tahay in ay taasi suura gelinayso in aynu soo jiidano Maalgashadeyaal dhanka Tamarta ah oo dalka ku soo kordhiya shaqo abuur iyo horumar.

Waxaanu ka hadlayay shir laba maalmood u socday komishanka Tamarta iyo shirkadaha bixiya adeegga korontada iyo daneeyeyaal oo uu oo qaban qaabiyay komishanka Tamarta Qaranka.

Kulanka oo lagu lafa guray heeka ay maanta marayso adeeg bixinta korontada Somaliland halka la higsanayo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in la sameeyo.

Waxaa ka qayb galay xildhibaano ka tirsan golaha wakiiada,shirkadaha bixiya adeegga korontada,ururka injineerada korontada iyo daneeyeyaal kale.

Guddoomiyaha komishanka Tamarta Axmed Faarax Cadarre oo hadal ka jeediyay ayaa iftiimiyay sida tamartu u kobciso dhaqaalaha dalka isla markaana uga qayb qaadato shaqo abuurka,waxaanu yidhi. Liisanku muxuu yahay macnihiisu,muxuu suurta gelinayaa, waa heshiis ka dhexeeya shirkadaha bixiya adeegga korontada iyo shacbiga Somaliland ee  macaamiisha ah,wuxuu yeelanayaa masuuliyad ah in ay helaan shacbiga Somaliland laydh huran oo macquul ah,sidaa si leeg ayaa looga baahan yahay shacbiga macaamiisha ahna inay fuliyaan dhankooda masuuliyadda saaran.

Komishanka Tamartu na waa hay’addii u dhaxaysay ee labada dhinac ba u illaalinaysay caddaaladda horumarka qaranku waxaa uu ku xidhan yahay waa Tamarta waxaa la yidhaahdaa todoba jeer ayuu dhaqaalaha dalka kobciyaa horumarka Tamartu,markaa arrinta liisamada ee aynu imika wadnaa wuxuu suurta gelinayaa in aynu soo jiidano maalgashi caalami ah  oo soo jiita warshadihii caalamka .

Guddoomiye Cadarre oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “marka aynu qaran ahaan hagaajinsano nidaamka waxaynu soo jiidanaynaa dad badan oo maalgashadeyaal ah oo u baahan in ay wershado sameeyaan,waxaan Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqayanaa in uu ku dhiiraday in la weeleeyo dhulkii ay ka samaysan lahaayeen wershado.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.