Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. LIVERPOOL OO NIYAD JAB KALA KULANTAY KULAN AY CIYAARTAY FA CUP
 LIVERPOOL OO NIYAD JAB KALA KULANTAY KULAN AY CIYAARTAY FA CUP
Cayaaraha

LIVERPOOL OO NIYAD JAB KALA KULANTAY KULAN AY CIYAARTAY FA CUP

by Fitaah Diinle January 8, 2023 130 0 Comment

AA

Liverpool ayaa lagu qasbay kulan ku celis ah wareega 3aad ee FA Cup ka dib markii ay barbaro 2-2 kala kulmeen kooxda Wolves oo marti ku aheyd garoonka Anfield.

Labo qalad uu sameeyay goolhaye Alisson ayaa ka caawisay Wolves inay shabaqa ka soo taabato Liverpool halka Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ay labada gool u dhaliyeen Reds iyadoo VAR ay goolka guusha ka diiday Wolves dhamaadkii ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in kulan ku celis ah ay labada kooxood ku dheeli doonaan garoonka Wolves taasoo dhabarjab ku ah tababare Jurgen Klopp oo kulan dheeri ah ciyaarsiinaya kooxdiisa xilli kulamada xilli ciyaareedka ay durba ciriiri yihiin.

Liverpool ayaa si qalqal ah ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Joel Matip uu halis u galay inuu kooxdiisa fursad ka dhiibo, laakiin taasi cashar kama aysan baranin iyadoo Wolves ay hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 26aad.

Goolhaye Alisson ayaa sameeyay qalad weyn ka dib markii baas loo soo celiyay uu isna u dhigay Guedes oo ka mahadceliyay hadiyada islamarkaana shabaqa faaruq ah toogtay.

Liverpool ayay ku qaadatay ilaa daqiiqadii 45aad inay ciyaarta barbareyso, waxaana ugu danbeyn shabaqa soo taabtay Darwin Nunez kaasoo kulamadii ugu danbeeyay ay inkaar ka heysata goolka inkastoo uu helayay fursado badan oo waa weyn.

Alexander-Arnold ayaa kubad u dhigay Nunez kaasoo aan ka labalabeynin inuu shabaqa meel gees ah ka toogto, waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Bilowgii qeybta labaad Liverpool ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii ugu horeysay iyadoo Cody Gakpo oo ciyaaray kulankiisii ugu horeysay uu kubad u qaaday Mohamed Salah laakiin daafaca Wolves ayaa kubada difaacan waayay taasoo keentay in Salah uu ka faaโ€™ideysto oo uu shabaqa ku shubo.

Wolves ayaase ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii daqiiqadii 67aadย  iyadoo mar kale uu qalad sameeyay goolhaye Alisson oo habeen fiican aysan u aheyn. Kubad uu Cunha soo dhigay ayay Liverpool iska bixin weysay waxaana taabtay Hwang iyadoo Alisson ay si sahlan uga hoos baxday.

Daqiiqadii 82aad Toti ayaa mooday inuu hogaanka u dhiibay Wolves ka dib markii uu kubad macaan ka dhaliyay Alisson laakiin goolka waxaa loo diiday offside dhacay ka hor taabashadii Toti.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah, waxayna niyadjab ku tahay Liverpool oo kulan dheeri ah ciyaareyso madaama ku celiska kulankaan lagu dheeli doono garoonka Wolves.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 32

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.