GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Liverpool Oo Badisay Iyadoo Aan Gool Dhalinin & Guul Ay Ku Soo Xireen Sannadka 2022…
Liverpool ayaa guul ku soo xirtay sannadkan dhamaanaya ee 2020ka ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Leicester City laakiin goolashaas kama imaanin ciyaartoydooda, waxaana hadiyad u siiyay daafaca Leicester Wout Faes oo labada goolba iska dhaliyay.
Reds ayaa hogaanka looga hormaray bilowgii qeybta hore laakiin waxay ku badiyeen labada gool uu iska dhaliyay Faes taasoo ka dhigeysa inay haatan labo dhibcood kaliya ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad e Tottenham
Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabatay si qalqal leh inkastoo gurigooda lagu ciyaarayay. Liecester City ayayna ku qaadatay kaliya afar daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta ka dib markii xiddigooda Dewsbury-Hall uu si sahlan isaga dhex maray daafacyada Reds isagoo kubada la kor tagay goolhaye Alisson uu dhinac dhigay.
Goolka ka dib Liverpool ayaa hurdada kacday iyagoo isku dayayay inay ciyaarta dib ugu soo laabtaan waxayna u suurtogashay daqiiqadii 38aad markii karoos u soo dhigay Alexander-Arnold uu shabaqa iska geliyay Wout Faes. Kubada Alexander-Arnold waxaa u diyaarsanaa inuu qabsado goolhayaha laakiin daafacaan oo aan dhageysanin qeylada goolhayihiisa ayaa damcay inuu kubada bixiyo balse waxay ku nasatay shabaqa.