LIIGGA HAWEENKA XISBIGA BARWAAQO AYAA JIGJIGA KU SOO BANDHIGAY NOOC-YADDA KALA DUWAN EE HIDDAHA IYO DHAQANKA .
Liiga Haweenka xisbiga barwaaqo ee maamulka magaalada jigjiga ayaa soo agaasimay xaflad ay ku xardheen dhaqanka iyo hiddaha suuban ee soomalidu hidaha uleedahay.
Kulanka xafladana waxaa siwada jira u furay Madaxa Xafiiska Xisbiga barwaaqo Mudane Mukhtaar Cabdi, Madaxa Arimaha siyaasada marwo ifraax Rashiid iyo Madaxa xafiiska haweenka Marwo Amina adan ismacil ee magalada jigjiga waxaana ka sooqayb galay hogaaminta sare magalada iyo xubnaha liiga haweenka maamulka magaalada oo qaban-qaabada xafladdan lahaa .
Haddaba Intii ay xafladdani socotay waxaa si qoto-dheer looga hadlay kaalinta ay haweenku kuleeyihiin ka qayb-galka hormarka dhaqan-dhaqaale iyo doorka lama ilaawaanka ah ee ay bulshada ku leeyihiin.
Kulankan oo ay ujeedadiisu ujeedadiisu ahayd sidii loo Hormarin lahaa Wax soosaarka Caanaha, Digaaga iyo Malabka,
Waxaana si balaadhan loogu soo bandhigay Dhamaan Cunto dhaqmeedka Deegaan keena laga helo ee uu caanka kuyahay si bulshada loogu baraarujiyo in barnaamijkan loogula dagaalamo in hoos loogu rido Sicir bararka lana isticmaalo si bulshadeenu u hesho Raashin tayole Caafimaadkiisuna sareeyo,
Waxaa sidookale dadka loogu soo bandhigay Barnaamijka DHAQ oo DHEEFSO oo Muhiimad gaarana uleh bulsho waynta Deegaanka,
Ugudanbayntiina waxaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay Qoys iskood isku xilqaamay oo diyaariyay in kabadan 700 oo kamida waysooyinka biyaha lagu qato oo lagu wareejiyay Ciidanka xooga Gaarka DDS