GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
LABO DUGSI SARE OO KU YAALO DHAGAXBUUR OO DIB U HABEYN LAGU SAMEEYAY AYAA XARIGA LAGA JARAY MAANTA ..
Dhagaxbuur: Laba dugsi sare oo dib-u-habayn lagu sameeyay ayaa xadhigga laga jaray.
Masuuliyiin iskugu jirtay heer deegaan iyo heer maamul-magaalo oo uu ugu horreeyo Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ayaa xadhigga ka jaray. Dib-u-habaynta labadan dugsi waxa ku baxday lacag gadhaysa 9 milyan oo birr, iskutashi shacab ayaana lagu dayactiray dugsiyadan.
Xadhigjarka kaddib masuuliyiinta waxa loo soo bandhigay geeddiga horumarneed iyo dib-u-habaynta lagu sameeyey dhinaca waxbarashada.