KULAN LAGU MIDEENAAYO GANACSATAD MAGAALADDA JIGJIGA OO KA DHACAY JIGJIGA INTERNATIONAL HOTEL
Waxaa maanta Jigjiga International Hotel ka dhacay Kulan ay yeesheen Ganacsatada MM Jigjiga kaasoo Ujeedadiisu ahayd sidii Ganacsatada Maamulka Magaalada Jigjiga loogu yagleelilahaa Gudiga Rugta Ganacsiga ee MM Jigjiga (Jigjiga City Chamber of commerce) kaasoo looga danleeyahay in caasimada laga yagleelo ganacsato nidaamsan oo tayo leh islamarkaasna ka qaybqaata horumarka, maalgalinta iyo kobaca dhaqaalaha ee Caasimada
Dhismaha Chamberka Mamulka magaladaJigjiga waxaa uu qaybkayahay qorshaha abaabulka iyo tayaynta ganacsatada deegaanka, gaar ahaan 6da maamul magaalo ee deegaankeena.
Waxaa kulankan soo qayb galay Maayarka MM Jigjiga Eng. Siyaad cabdi axmed iyo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Adan & Gudoomiyaha Chamberka ee DDS.