GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
KULAN KU SAABSAN ISTARAATIIJIYADA CAAFIMAADKA OO KA QABSOOMAY MAGAALADA JIGJIGA.
Kulanka wadatashiga qorshaha istaraatajiyadda usinnaanta caafimaadka ayaa ka qabsoomay madasha kulammada Qaryaan Dhoodaan ee magaalada Jigjiga.
Kulankan oo uu soo agaasimay Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Xafiiska Maaraynta Khatartaha Masiibooyinka Deegaanka ahna ku-simaha madaxaweynaha Deegaanka, masuuliyiinta iyo bahwadaagta kala duwan ee xafiiska caafimaadka heer gobol illaa heer degmo, Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal, jaamacadaha Deegaanka, bangiyada, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo marti-sharaf kale.
Madashan ayaana u jeedkiisu tahay sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa adeeg siman oo dheellitiran, islamarkaana bulshada deegaanku ay si isku mid ah u heli laahaayeen adeeg caafimaad oo dhammaystiran.
Wasiirka Xafiiska Maaraynta Khatartaha Masiibooyinka Deegaanka ahna ku-simaha madaxwaynaha Deegaanka Mudane Axmedyaasiin Sh. Ibraahim ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan barnaamijka siyaasadeed ee adeegyada caafimaadku ku salaysan yahay in qofka muwaadinku uu u helo adeegyayada sida ugu habboon, sida oo kalehna xafiisyadu kaalintooda uga qaadaan laahyeen hirgalinta qorshahan.