MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB
KOOXDA MANCHESTER UNITED OO QORSHEYNEYSO IN AY LA WAREEGTO GOOL HAYYE CUSUB
Kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo ku dhaw saxiixoodii ugu horeeyay ee suuqa January sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Man United ayaa Crystal Palace kala heshiisay in ay heshiis amaah ah ku qaadato Goolhayaha kooxdaas ee Jack Butland.
Labada kooxood ayaa haatan waxba ka heshiiyay waxana uu Goolhaye Jack Butland isku diyaarinayaa in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Man United.
Jack Butland Ayaa saacadaha soo socda tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Man United ka hor inta ayna kooxdu ku dhawaaqin saxiixiisa isla saacadaha soo socda.
Goolhaye Jack Butland ayaa la tartami doona Goolhaye David De Gea qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.
Goolhayaha reer England ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Man United suuqa January iyada oo kooxdu u dagaalamayso koobab kala duwan ilaa haatan.