Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. KOOXDA MANCHESTER UNITED OO KU FASHILANTAY DALAB AY KA GUDBISAY CIYAARYAHAAN KA TIRSAN ARSENAL
 KOOXDA MANCHESTER UNITED OO  KU FASHILANTAY DALAB AY KA GUDBISAY CIYAARYAHAAN KA TIRSAN ARSENAL
Cayaaraha

KOOXDA MANCHESTER UNITED OO KU FASHILANTAY DALAB AY KA GUDBISAY CIYAARYAHAAN KA TIRSAN ARSENAL

by Fitaah Diinle January 21, 2023 7 0 Comment

AA

Kooxda kubadda cagt Manchester United ayaa isku dayday inay Arsenal ka afduubato kabtankeeda Martin Odegaard oo ay laba jeer ka gudbisay dalabyo aan guuleysanin oo ay kala kulmeen jawaabo niyad-jab ah, waxaanu warkani soo baxayaa xilli ay Red Devils isku diyaarinayso safar ay Axadda ugu tegayaan Arsenal.

 

Martin Odegaard oo ka midย  aha xiddigaha ugu wanaagsan horyaalka Premier League xill ciyaareedkan ayaa lagu tilmaamaa sirta ka dambaysa in Gunners ay hoggaanka shan dhibcood oo nadiif ah kaga hayso Man City, iyadoo ay waliba ciyaar baaqi u tahay.

United oo uu ku socdo dibu-dhis ayaa waxay isku dayday inay la saxeexato Martin Odegaard oo ay ka qafaalato Arsenal, waxaanay gudbiyeen laba dalab oo ay diidmo degdeg ah kala kulmeen oo ku qasbay Red Devils inay si buuxda uga samirto doonisteedii laacibkan reer Norway.

Sida uu qoray wargeyska Daily Star, Manchesterย  United ayaanay u hirgelin laba isku-day oo ay ku doonaysay Martin Odegaard, laakiin waxay ahaayeen xilliyo hore oo aanu laacibkani dunida is-barin.
Sannadkii 2013 ayay Manchester United ku martiqaadday Odegeerad inuu yimaaddo garoonkeeda tababarka ee Carrington iyadoo ay daโ€™diisu ahayd 14 jir, waxaana David Moyes oo waqtigaas beddelay Sir Alex Ferguson uu goโ€™aansaday inay sugaan illaa 12 bilood si ay u arkaan horumarkaย  ciyaareed ee uu samaynayo laacibkan.

Kubbad-sameeyahan ayaa sii watay horumarka ciyaareed, waxaana iyadoo ay daโ€™diisu yar tahay looga yeedhay xulka qaranka Norway, iyadoo ay Real Madrid saxeexiisa ku garaacday Barcelona, Liverpool iyo Bayern Munich oo doonayay sannadkii 2015.

Waqtigii uu Louis van Gaal tababaraha ahaa ayay mar kale Manchester United indhaheedu qabteen Odegaard balse markanna Real Madrid oo u diyaarsanaysay mustaqbalka ayaa ganafka ku dhufatay.

Si kastaba ha ahaatee, Odegaard ayaa xilli ciyaareedkan waxa uu Arsenal u saftay 17 kulan oo Premier League ah oo uu u dhaliyey siddeed gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.