Wakiilka Talyaaniga Andrea D’Amico ayaa qaba in Cristiano Ronaldo ay u badan tahay inuu ka tagayo Juventus si uu ugu biiro Manchester United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa xilli ciyaareed kale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Juventus xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 36 gool 44 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Xiddiga reer Portugal ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Man United ayaa la rumaysanyahay in ay ka mid tahay kooxaha doonaay saxiixa xiddiga weeraryahanka si la mid ah kooxda PSG kuwaas oo dhankooda doonaya.

“Way adagtahay in la saadaaliyo waxa dhici doona, hadii aan u fikirno sida tababare Massimiliano Allegri, waxa aan aaminsanahay in uu CR7 Isaga tagi doono Juventus”D’Amico ayaa sidaa u sheegay Tuttosport.

“Halkee? waan hubaa in uuna aadi doonin Spain iyo Germany, PSG sidoo kale way adagtahay, waxa aan odhan karaa Ronaldo waxa uu ku laaban doonaa Man United iyada oo iyada oo lagu badalan doono Paul Pogba”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here