Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Inter Oo Napoli Dusha U Saartay Guuldaradii Ugu Horaysay Ee Horyaalka Talyaaniga Xilli Ciyaareedkan…
 Inter Oo Napoli Dusha U Saartay Guuldaradii Ugu Horaysay Ee Horyaalka Talyaaniga Xilli Ciyaareedkan…
Cayaaraha

Inter Oo Napoli Dusha U Saartay Guuldaradii Ugu Horaysay Ee Horyaalka Talyaaniga Xilli Ciyaareedkan…

by Raad Raac January 5, 2023 6 0 Comment

AA

Inter Milan ayaa garaacday Napoli kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga kana tirsanaa todobaadkii 16-aad ee xilli ciyaareedka.

Napoli oo hogaaminaysa horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalk xilli ciyaareedkan.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran iyada oo labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay koox walba guul ku doonaysay.

Kooxda Napoli ayaa maamulaysay ciyaarta waxana ay Inter kaga awood badnayd dhinaca haysashada kubada iyo samaynta fursadaha.

Inter Milan ayaa dhinaceeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galinayeen goolka kooxda Napoli.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool laโ€™aan ah xilli ay labada kooxoodba ku dhibaatoodeen in ay tijaabiyaan goolhayayaasha.

Waxa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta Iyada oo Inter doonaysay in ay dhaliso gool isla markaas Napili dhinaceeda ugu jawaabaysay fursado kale.

Daqiiqadii 56-aad ayay Inter dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Edin Dzeko kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Inter ayaa wixii intaas ka dambeeyay daafac gashay Xilli ay adeegsanayeen weeraro rogaal celis ah kana faaโ€™iidaysaneen xiddigaha Napoli oo difaaca iloobay si ay u dhaliyaan goolka bar- baraha.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Inter Milan garaacday Napoli isla markaas dusha ka saartay guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka horyaalka Talyaaniga.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.