Inter Milan Oo Weeraryahan Ka Ishaaratay Horyaalka Ingiriiska..
Ilo wareedyo saxaafadda Italy qoreyso ayaa sheegaya in Inter Milan ay si dhab ah u dooneyso saxiixa xiddiga Liverpool ee Firminho
Sidaas oo ay tahay hal dhibaato ayaa jirta oo hor istaagi karta in Inter Milan suuqaan jiilaalka ay helaan saxiixa wiilka reer Brazil ee Firminho
Hishiiskaย Firminho ee Liverpool ayaa dhacaya xagaaga 2023 welina labada dhinac islama meel digin hishiis cusub
Shabakada Clacio Mercato ayaa sheegeysa in Inter Milan ay siย weyn u xiiseynayaan saxiixaย Firminho waxa ayna rabaan in uu badel u noqdo Lukaku kaasi oo heer ciyaareedkiisa hoos u dhacay.
Firminho ayaa meesha lagu gaaro bisha dambe waxa uu hishiis la sii gali karaa qaab xor ah kooxda uu doono balse xagaaga ayuu sugayaa.
Wiilkaan reer Brazil ayaa sanadkii kooxdaas Liverool ka qaata 9 milyan oo euroย balse mushaarkaas haatan waa adag tahay in horyaalka Italy uu ka helo
Inter waxa ay haminayaan in Firminhoย ku qanciyaanย mushaar u dhaxeeya 4 ilaa 5 milyan euro iyoย hishiis laba sannoย ah oo uu ku jiro doorasho sanad dheeraad ah .