Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. IN KABADAN 49 KA TIRSAN QAWAARIIJTA AL SHABAAB OO LAGU LAAYAY DEEGAANKA DHAGAXOW
 IN KABADAN 49 KA TIRSAN QAWAARIIJTA AL SHABAAB OO LAGU LAAYAY DEEGAANKA DHAGAXOW
Wararka

IN KABADAN 49 KA TIRSAN QAWAARIIJTA AL SHABAAB OO LAGU LAAYAY DEEGAANKA DHAGAXOW

by Fitaah Diinle January 19, 2023 17 0 Comment

AA

Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.

Sidoo kale, Khawaarijta halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo ayaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaallada dalka looga xoraynayo, qaarkood ayaana howlgalkaan lagu dhammaystiray.

Howlgalka inta uu socday Khawaarijta waxaa laga soo celiyay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal asakari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa ku shahiiday inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray saddex kale oo ka tirsan ciidamada Qaranka.

Ciidamadu wali waxay ku sii raadjoogaan firxadka Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ku goโ€™doonsan beeraha iyo geedaha hoostooda.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.