GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
ILHAAN OMAR OO MAANTA KOR-MEERTAY HOSPITALKA HOOYADA IYO DHALAANKA GAROOWE.
Xildhibaanada Gobolka Minasota ku matasha aqalka Congress dalka Maraykanka Ilhaan Cumar oo safar booqasho ah ku joogta Puntland ayaa maanta kormeertay Hospital ka hooyada iyo dhalaanka Garoowe ee Gol-Nugaal ee Garoowe.
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa booqatay qaybaha kala duwan ee Hospitalka, waxaana ay kulamo la qaadatay maamulka iyo dhakhaatiirta Hospitalka gacanta ku haya, sidoo kale waxa ay xaal waraystay bukaannada Hospital ka jiifa, waxaana ay u rajaysay Alle Caafiyo waxaana ay booqatay qaybta qaliinka ee Hospital,
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa gabagabadii booqatay jid casri ah oo Dowladda Puntland ka dhistay bartamaha magaalada Garoowe,
Booqashada ay ku tagtay Hospital gol-Nugaal waxaa ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo saraakiil Madaxtooyo.