HOWL WADEENADDA CANSHUURAHA GOBALKA BANAADIR OO TABABAR LOO FURAY MAANTA .
Agaasimaha Guud ee Waaxda Dakhliyada kala gedisan Dowladda Hoose ee Xamar iyo Gobolka Banaadir Mudane Xasan Xuseen iyo Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Dowlada Hoose ee Xamar Mudane Axmednuur Cabdi Siyaad ayaa si wadajir ah Tababar ugu furay Howlwadeenada ka shaqeeya Canshuuraha Guryaha ee Degmooyinka iyo Deegaanada hoos yimaada Gobolka Banaadir.
Tababarkaan oo soconaya muddo labo maalin ah ayaa waxaa lagu baran doonnaa Nidaamka Canshuuraha, Hagaajinta iyo Qaadista Canshuuraha Guryaha, iyadoona loogu gol-leeyahay in sanadka cusub ee 2023 Canshuuraha Guryaha Magaalada Muqdisho loo qaado si waafaqsan Nidaamka Canshuuraha.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in ay ka goโan tahay nidaaminta iyo hagaajinta qeybaha kala gedisan ee dakhliyada Dowladda Hoose si loo kobciyo dakhliga iyadoo loo maraayo Nidaam hagaagsan oo ka fog Musuq.