HOSPITALKA GOBALKA LAY OO DHIR BEERIS LAGU SAMEEYAY
Masuuliyiinta gobolka Daawa iyo maamulka afarta degmo ee gobolkaasi ayaa dhirbeeris iyo kormeer ku sameeyay hosbitaalka gobolka ee Lay.
Gudoomiyaha gobolka Daawa mudane Malow Ibraahim Cabdi oo ay weheliyaan masuuliyiinta gobolka iyo maamulka afarta degmo ee gobolku ka kooban yahay ayaa dhirbeeris ku sameeyay gudaha hosbitaalka gobolka ee Lay. Waxaana dhir-beerista kaddib masuuliyiintu ay kormeereen waxa kala duwan ee hosbitaalku ka kooban yahay.
Halkaas oo maareeyaha hospitalka gobolkuna la wadaagay masuuliyiinta qalabka yaalla hospitalka iyo adeegyada loogu talagalay inay fuliyaan.