HORJOOGAYAAL KA TIRSAN ALSHABAAB OO LAGU QABTAY DEGMADA CEELDHEERE
Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab oo lagu soo qabqabtay howlgal ciidamada ay ka sameeyeen dagmada Ceeldheer.
Ciidamada Dowlada iyo Xoogagga Kacdoonka Dadweynaha ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud ayaa gacanta ku soo dhigay saddex Horjooge oo ka tirsan Kooxda Khawaariijta, kuwaas oo kala ah
1-Horjooge Cabdirashiid Macalin Cali (Dur-durshe).
2-Horjooge Cabdi Gaanyaco
3-Horjooge Mascuud Cali (Lugeey).
Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee horkacaya howlagalka ka dhanka Khawaarijta ayaa ku boorriyey dadweynaha in ay lashaqeeyaan ciidanka ayna kusoo wargliyaan kooxaha argagixisada ee wali isku dhexqarinaya bulshada si qatartooda looga badbaadiyo.