Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Hooyo 3 Caruur Ah Oo Ay Dhashay Lacag La’aan Looga Soo Eryay Goobaha Waxbarashada…
 Hooyo 3 Caruur Ah Oo Ay Dhashay Lacag La’aan Looga Soo Eryay Goobaha Waxbarashada…
Wararka

Hooyo 3 Caruur Ah Oo Ay Dhashay Lacag La’aan Looga Soo Eryay Goobaha Waxbarashada…

by Raad Raac December 16, 2022 7 0 Comment

AA

Hooyo Farduus Maxamed Saleebaan, waa hooyo haysta 3 caruur ah, waxa ay degan tahay magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Xidigta.

Hooyadan 3-da carruur ah ee ay dhashay waxa goobihii waxbarashada, sida iskuuladii iyo madaaristii Qur’aanka Kariimka looga soo eryay lacag la’aan, guriga ayay u dhexjoogaan iyaga markasta oo hooyadood waydiiya wakhtiga ay ku noqon doonaan iskuuladoodii ee ay dib ula midoobi doonaan macalimiintii iyo ardaydii ay isku fasalka ahaayeen.

Hooyadan iyada oo warwaran iyo qalbijab weyni ka muuqdo waxa ay sheegtay in su’aalaha ubadkeedu ay qalbigeeda gubaan, balse iyada uuni ay kali ku tahay oo saygeediina ka maqan yahya, cid aan ALLE hayn oo u maqanina aanay jirin.

Hooyo Farduus waxa ay ka mid ahayd haweenkii ka xamaalan jiray Suuqii gubtay ee Waaheen, balse hadda shaqo la’aanta iyo duruufaha adag kuwajahaya magaalada iyada iyo haweenkale oo la duruuf ahi.

Waxa ay sheegtay in dadkii ku hantibeelay uun wax la siiyay balse dadkii xamaaliga ahaa ee cidkale u shaqaynayay aanay ciddi isweydiin, waxa ay intaas ku dartay in subaxkasta ay guriga ka baxdo balse iyada oo aan xabad Roodhiya usidin ubadkeeda ay dib ugu soo laabato, iyada oo cuno la’aan iyo waxbarasho la’aan gurigii ay kaga tagtay halkii la fadhiya.

Waxaaney tidhi Waxaan ka mid ahaa hooyooyinkii ka xamaalan jiray suuqii gubtay ee Waaheen, guriga aan ku jira waa kiro, kiroba kiro ayay ii dhiibta, hadda bila shaqada ku ah magaalada Hargeysa, hooyo caafimaad qabta oo xoogeeda ku shaqaysan karta ayaan ahay, waxaan guddida taakulaynta suuqa Waaheen aan ka codsanaya in ay shaqo abuur noo sameeyaan

“Guriga waxbarasho la’aan ayay carruurtu igu fadhiyaan, iskuulkasta iyo madarasadkasta lacagtii  oo aan waayay ayaa loo soo eryay.

Waxa la yidhi ‘haddii aydaan haysan lacagtii iskuulka iyo madarasada kaabada nooga dhaadhaca halkaasi waxa ay ii fadhiyaan waa shan bilood, kadib markii suuqii aan yoomiyaha ka heli jiray uu baaba’ay, wax allaale iyo wax aan ka soo shaqeeyaana aanu jirin subax kasta waan kalaha wax shaqo ah oo aan hayo ama aan soo helana ma jiraan, iyaga oo carruurtaydii qatan oo waxbarasho seegay ayaan ku soo laabta.

Masuuliyiinta dawladda Somaliland oo madaxweynuhu ugu horeeyo ayaan kaalmo waydiisanaya, ILLAAHEYba kaalmo haye

Qaybaha kala duwan ee dadkii ka xamaalan jiray suuqa Waaheen waa kuwa sida hooyadan oo kale nolosha la daala dhacaya, waxa loo baahan yahay qorshe nolosha bulshadani lagu badbaadinayo, sida in loo sameeyo shaqo abuur iyo in la baro xirfado ay ku shaqaysan karaan oo ay kaga gudbi karaan buundada nolosha ee sii adkaanaysa maalinba maalinta ka danbaysa.

Ciddii u baahan in ay la xidhiidho hooyadan hakala xidhiidho telifoonkan 0634182857

 

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.