HOGAAMINTA GOBALKA JARAR IYO MAAMULKA DAGMADDA BIRQOD OO SOO KORMEERAY GOOBAHA ADEEG BIXINTA DEGMADAASI
Hoggaaminta gobolka Jarar oo ay weheliyaan maamulka degmada Birqod ayaa soo kormeeray xarumaha adeegbixinta ee degmadaasi ka jira.
Kormeerkani oo masuuliyiinta gobolku ugu kuurgalaan goobaha adeegbixinta ee degmadaasi ayaa ujeeddadiisu tahay mid saddexdii biloodba mar ay hoggaamintu ku soo eegaan sida ay u shaqeeyaan xarumahaasi, si qiimeyn iyo dabagal loogu sameeyo dhinacyada ay ka jiraan gaabiska iyo cabaqadaha kala duwan ee ee hortaagan adeegbixinta bulshada ay siinayaan xarumahaasi.
Goobaha adeegbixinta ee ay kormeereen masuuliyiintu ayaa waxaa ka mid ah goobaha waxbarashada, caafimaadka, wax-soo-saarka beeraha, nabadgelyda iyo biyaha. Dhammaan xarumahaasi adeegbixinta ayaa waxa ay masuuliyiintu ku sheegeen in ay badankoodu yihiin kuwo sidii loo baahnaa bulshada loogu adeego, kuwa kale ee ay gaabisku iyo caqabadaha shaqo laโaaneed ay ka jiraana dib qiimeyn loogu samayn doono, si ay halkaasi uga sii wadaan shaqadii ay bulshada u hayeen.