MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB
HAWEENKA GOBALKA BANAADIR OO SHEEGAY IN AY QEYB KAYIHIIN HALGANKA ALSHABAAB DALKA LOOGA SAARAAYO.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka wada qeybgalay daahfurka Kacdoonka Haweenka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu soo afjarayo Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa caasimadda.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay Bulshada Caasimada u leedahay in meel loogu soo wada jeesto kooxaha Khawaarijta, asigoona xusay in haweenka Gobolka Banaadir loogu baahan yahay doorkooda sugida amniga.
Waxa uu sheegay in haweenka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay ku filan yihiin ka hortaga Khawaariijta ku dhex dhuumaaleysanaya Bulshada dhexdooda iyagoo kaashanaya Laamaha Amaanka.