GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
HAAYADDA PAPDA OO DAGMADDA DHEGASUUFTU KA DAAH FURTAY MASHRUUCA KA JAWAABISTA BULSHADA TABAALEYSAN
Dhekasuuftu: Hay’adda PAPDA ayaa daahfurtay mashruuca kajawaabista bulshada tabaalaysan ee ay saamaynta ku reebtay abaaraha iyo colaadaha.
Mashruucani oo ah mid ka hawlgali doona degmooyinka Dhekasuuftu, Qarsaadulla iyo Guradhamoole ayaa ka shaqayn doona dhanka biyaha, quudinta dadka nafaqo-darradu hayso iyo lacagaha kaashka ee loogu talogalay dadka ay heyntoodu hoosayso, si ay uga gaashaanto abaaraha soo laalaabtay.
Mashruucani oo ah mid shaqaynaya muddo 6 bilood ah ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona dad kor u dhaafaya illaa 5 kun oo qoys.