Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. HAAYADDA DUULISTA HAWADDA SOMALIYEED OO GAARTAY GUULO TAARIIKHI AH
 HAAYADDA DUULISTA HAWADDA SOMALIYEED OO GAARTAY GUULO TAARIIKHI AH
Wararka

HAAYADDA DUULISTA HAWADDA SOMALIYEED OO GAARTAY GUULO TAARIIKHI AH

by Fitaah Diinle January 26, 2023 28 0 Comment

AA

Hawada Soomaaliya ayaa heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, muddo dheer ayey dowladda Soomaaliya u soo xusul duubeysay aqoonsiga ay heshay caawa, sida uu shaaciyey Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Maareeyaha hey’adda duulista Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Soomaaliya ka joogtay heerka ugu hooseeya, balse wixii caawa ka dambeeya ay Soomaaliya ku biirtay wadamada ugu sareeya.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, caawa ayaan ku guuleysanay in aan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka,” ayuu yiri Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Axmed Macalin ayaa sheegay in mudo hal sano ay hey’addu ka shaqeyneysay in heerkaan ugu sareeya qiimeynta duulimaadyada caalamka au soo gaarto, isla markaana ay hadda taas ku guuleysteen.

“Bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, waxaa mira-dhalay dadaalkeenii, keligeena maahane caawa dunida oo dhan ayaa nala dabaal

Mar la weydiiyey caqabadaha ay markii hore ku qabeen qiimeyntii heerkeedu hooseeyey ayuu sheegay in duulimaadyada qaar ay ka wareegsa jireen hawada Soomaaliya, maadaama qiimeynta heerka badqabkeedu uu hooseeyey.

“Lacagtii aan soo saari jirnay in ka badan ayaan soo saari doonaa, diyaarado badan oo hadda ka leexda hawada Soomaaliya ayaa soo mari doona hawadeena,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Wadamo, hey’ado, shirkado duulimaad iyo ururro caalami ah ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyeen inay soo gaarto heerkaan.

“Tani waxay ka dhigan tahay Soomaaliya caawa wixii ka dambeeya waxay awood u leedahay inay maamulato hawadeeda, waxaa la aqoonsaday inay heysato quburo ku filan, waxaana guushaan ka shaqeeyey quburo Soomaali ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 41

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.