Guushii Barcelona Maxa sabab u ah…
Ka dib ciyaar deg degsiimo laheyd , Barcelona ayaa guul hal gool aheyd waxa ay ka gaareen Atletico oo ay marti ugu ahaayeen kulan La Ligaha Ah .
Sheekada qeybta hore: Barcelona ayaa Atletico Madrid Nasiinada ugu dirtay hal gool uu daqiiqadii 22-aad saxiixay Dembele, waxa ayna labada koox soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh .
Barcelona ayaa ku biloowday cadaadis iyo isku balaarin cajiib aheyd gudaha garoonka ah xilli Atletico u janjeereen danka daafaca balse kullamaa weerar soo qaadaan halis ayay ahaayeen marna goolhayaha ayaa u diiday oo bad baado cajiib ah sameeyay
Atletico waxa ay aad ugu xooganaayeen kubadaha rogaal celiska ah iyadoo guud ahaan qeybtaas hore aheyd mid kubadda la iska boobayay .
Barcelona waxa ay ka faa`ideysteen isku dhex yaacsanaan ka muuqatay Atletico oo go`aano qaldan qaadanayay balse waxa ay ka sheegteen in kubadda durba cagtooda ka baxeysay ,
Waxaa xusid mudan in waqtigii dheeriga fowdo ay dhacday , labada dhinac waxaa kaarka cas laga siiyay