GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
GUDOOMIYE MADAALE OO HADAL KA DHAGEEYSTAY SARAAKIISHA DAGMOOYINKA XIIGA DHANKA QEYBTA GALBEEDKA GOBALKA BANAADIR.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay Kulan ay warbixina quseeya Xaaladaha degmada kusoo gudbinayeen Maamulada iyo saraakiisha Amniga ee Degmooyinka xiga qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Degmada Dharkeenley ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa faray Maamulada iyo saraakiisha Amniga ee Degmooyinka xiga qeybta Galbeed in ay dardargaliyaan horumarinta Degmada, iyo wax ka qabashada kiisaska Amniga la xariira ee ka dhaca degmooyinkaasi.