GUDOOMIYE KU-XIGEENKA DIB U-HESHIISIINTA GOBALKA HIIRAAN OO WACYIGELIN KA WADAGOOBIHII AL SHABAAB LAGA SAARAY
Gudoomiye ku-xigeenka Dib u-hishiisinta iyo Fadaraalka maamulka Gobalka Hiiraan mudane Maxamed maxamuud sheekh Ibraahim (Dhobeey) oo aay wehliyaan saraakisha Ciidamada Qalabka Sida maamulka hoose ee deeganada, ayaa safaro Shaqo ku gaaray Deeganada kala ah ,TEEDAAN, GOOBO, MIIRACAD, UDUGLEEY, ku waas oo kulamo kula yeeshay beelaha deegaanka iyo Maamulka Deegaanada si loo xoojiyo nabadda.
Gudoomiye dhoobeey ayaa shacabka la wadaagay Qorshayaasha maamulka Gobolka Hiiraan ee Arimaha nabadeeynta iyo hormarinta Deegaanada laga xureeyey khawaariijta Al-shabaab asigoo la wadaagay sida aay muhiim ka u tahay nabadda Wadajirka , asigoo xusay in taasi aay meesha ka Saari doonto hamiga Al-shabaab ee mar kale Ineey deeganadaan gumaadan ah.
Odoyaasha Dhaqanka ayaa gudoomiyaha uga mahadceliyay dadaalada aay wadaan ayagoo xusay ineey garab u noqon doonan nabadda iyo Hormarinta deegaanada Gobalka Hiiraan iyo Beelaha walaalaha ah si looga guuleeysto Haraadiga Argagixisada Al-shabaab.