GUDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN OO LOO AQOON-SADAY HOGAAMIYAHA UGU WANAAGSAN SANADKA 2022.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cali Jeeyte Cismaan oo hoowlo shaqo u joogo magaalada muqdisho ee caasimada Dalka soomaaliya ayaa Waxaa la gudoon siiyey bilada sanadka ee Hogaamiyaha ugu wanaagsanaa 2022, taas oo aay U garteen Shacabka soomaaliyeed waxaana Gudoonsiiyey Madasha soomaali awards.
Ayadoo aay xuseen shacabka soomaaliyeed iyo madasha soomaali awards in uu ku muteeystay Hogaamantiisa Dibuxoreeynta Deegaanada iyo Degmooyinka Gobalka Hiiraan taas oo ku fiday Gobalo badan oo aay joogeen Argagixisada Al-shabaab ku waas oo laga xureeyey iyo Ka Shaqeeynta Nabad-galyada iyo dib-uhishiisinta.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa uga mahadceliyey bulshadda soomaaliyeed garashada iyo Dhiirigelinta aay u sameeyen asigoo xusay in wax walba aay ku Dhaceen awooda Alle SWT kaliya la sameeyey Dadaalo mira dhalay waxuuna xusay in bilaaw oo kaliya la joogo lana sii wadi doono rajadda aay Qabaan shacabka soomaaliyeed oo aay hormuudka uga Yahiin madaxda sare ee qaranka ayuu yiri,