GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
GUDOOMIYAHA DEGMADA XUDUR OO KA TACSIYADEEYAY GEERIDA ALLE HA U NAXRIISTO CABDULAAHI AADAN GOOBE OO CAAWA XUDUR KU GEERIYOODEY.
Gudoomiyaha Degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa isagoo ka hadlaayo magaciisa, magac maamulka iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka ugu horeyn u tacsiyadeeyay dhammaan Eheladii, Qaraabadii iyo Shacabka magaalada Xudur ee uu ka baxey Alle ha u naxriistee Cabdulaahi Aadan Goobe oo caawa ku geeriyoodey magaalada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool.
Gudoomiyaha Degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa sheegey in Alle ha unaxriistee Cabdulaahi Aadan Goobe uu ahaa shaqsi wanaag badan oo muddo dheer kasoo shaqeeyay horumarinta Dowladnimada iyo u adeegidda Bulshada Gobolka Bakool, kana mid ahaa maamuladii soo maamulaayey magaalada Xudur.
Gudoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu naxriistisa Janno ka waraabiyo, wuxuuna Qoysaskii, Ehelkii iyo dhammaan umadda Gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur ee ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan haka siiyo.