Rasomit Rasomit
  • Wararka
  • Cayaaraha
  • Caafimaadka
  • Warbixinada

Breaking News

Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?

Ethiopia Iyo Sudan Oo Ka Heshiiyey Murankii Biyo Xidheenka Wabiga Nile

Siyaasi Nuura Diin, Xukuumada Somaliland Waa Mid Habayac Ah Oo Huruda….

ISRAAIIL OO WEERARO DUQEYN AH KA GEESATAY QAZA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA WAALIDIINTA CIIDANKA TABABARKA KU QAATAY ERETERIYA

  1. Home
  2. Wararka
  3. GUDOOMIYAHA DAGMADDA XUDUR OO SOO DHAWEEYAY WAFDI KA SOCDA HAAYADA WHO OO SOO GAARAY DAGMADA XUDUR
 GUDOOMIYAHA DAGMADDA XUDUR OO SOO DHAWEEYAY WAFDI KA SOCDA HAAYADA WHO OO SOO GAARAY DAGMADA XUDUR
Wararka

GUDOOMIYAHA DAGMADDA XUDUR OO SOO DHAWEEYAY WAFDI KA SOCDA HAAYADA WHO OO SOO GAARAY DAGMADA XUDUR

by Fitaah Diinle January 14, 2023 16 0 Comment

AA

Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Wefdi ka socdey Hay’adda Q.M u qaabilsan Caafimaadka ee WHO oo maanta soo gaarey magaalada Xudur.

Gudoomiyaha iyo Saraakiisha kasocotey Hay’adda WHO ayaa imaatinkooda kadib waxey kormeereen Isbitaalka Guud ee Gobolka Bakool, halkaas oo WHO ay ka fulineyso mashaariic kala duwan, waxey ugu horeyn kormeer ku sameeyeen dhismaha Isbitaalka guud ee Gobolka Bakool oo heer Gaba-gabo maraya.

Maamulka Degmada Xudur oo garab ka heleya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha kala duwan ayaa xoogga isugu geeyey horumarinta adeegyada Bulshada, si gaar ah adeegga Caafimaadka, Gudoomiye Cumar Cabdulaahi ayaa uga mahadceliyey Saraakiisha Hay’adda WHO ee marwaliba u taagan in Bulshadu ay ka taageeraan horumarinta adeegga Caafimaadka.

Gudoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa sidoo kale madaxda la wadaagey muhiimadda uu Bulshada u leeyahey dhismaha Isbitaalka, Balse ay muhiim tahey in la helo Qalab iyo Daawooyin ku filan Bukaanada ka-kala imaada tuulooyinka iyo deegaanada, waxaana ku wehlinaayey Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool, Gudoomiye kuxigeenada Degmada Xudur, qaar kamid xubnaha Golaha deegaanka, iyo Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bakool.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee

by Raad Raac January 27, 2023 51

ay u saamaxayso dowladda Soomaaliya, inay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga

Wararka

Ethiopia Iyo Sudan Oo Ka Heshiiyey Murankii

by Raad Raac January 27, 2023 26

Hogaamiyaha militariga Sudan, ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha

Wararka

Siyaasi Nuura Diin, Xukuumada Somaliland Waa Mid

by Raad Raac January 27, 2023 28

Siyaasi Nuuradiin Diini oo kamid ah aqoonyahanka Somaliland ee inta badan ka hadla xaalada

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.