WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022
GUDOOMIYAHA DAGMADDA BOOSAASO OO BOOQDAY XAFIISKA URUR SIYAASADEEDKA KAAH EE DAGMADDA BOOSAASO
Gudoomiyaha degmada Bosaaso Ahna Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta dowladda Puntland Mudane Xasan Cabdallah Xasan iyo Masuuliyiin kale ayaa booqday Xafiiska Urur Siyaasadeedka Kaah ee Degmada Bosaaso.
Waxaana Xafiiska Kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Ururka kaah Degmada Bosaasi Eng Cabdirixmaan Maxamed Ukun iyo Howl-wadeenada kale ee Heer Degmo iyo Mid gobol, iyagoona warbixin ka siiyay howlaha shaqo ee ka socda Xafiiska kaah, Ee diiwaan gelinta wacgelinta bulshada iyo dardar-gelinta shaqada.
Sido kale duqa degmada Bosaaso ayaa La kulmay xubno cusub oo iska diiwaan-gelinaayay xafiiska.