GUDOOMIYAHA DAGMADDA BOOSAASO AYAA KULAN LA QAATAY GUDOOMIYAASHA 22 KAAMAM EE KU YAALO BOOSAASO
Sawiro: Gudoomiyaha degmada Bosaaso Mudane Xasan Cabdala Xasan ayaa kulan laqaatay Gudoomiyeyaasha 22-ka Kaam ee Degmada Bosaaso.
Kulanka ayaa ku saabsanaa is xog waraysi Gudoomiyeyaasha kala duwan ee kamaamka iyo Maamulka dowladda Hoose waxayna soo gudbiyeen Gudoomiyeyaashu Baahiyaha ka jira Kamaamka Barakacayaasha Bosaaso, Waxyaabaha la rabo in la qabto, Caqabadaha hortaagan hormarintooda iyo waxqabadyada ay ka fulisay dowladda hoose iyo hay’adaha taageera.
Gudoomiyaha degmada Bosaaso Ahna Wasiir ku-xigeenka qorshaynta Dowladda Puntland Mudane Xasan Cabdalla Ayaana kula dardaarmay Gudoomiye,yaasha kaamamka in ay si cadaalada ah ugu shaqeeyaan dadkooda uuna xafiiskiisu u furan yahay xili walba si toos ahna ugu soo gudbiyaan warbixinadooda, waxna laga qabanaayo caqabadaha jira wuxuuna ku booriyay in la ilaaliyaha amniga iyo hormarka loona diyaar garoobo doorashada Nidaamka dimuqraadiga ah ee Qof iyo Cod oo dhowaan lagu dooran doono Golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland.
Waxaana ka qaybgalay Kulanka Xoghayaha dowladda Hoose Mudane Cabdirisaaq Axmed Geel-doon iyo Agasimaha waaxda Arimaha bulshada Cali Axmed Maxamud.