Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?
GUDIYADDA JOOGTADA AH EE XILDHIBAANADA DDS OO ADEEG BIXIN KA WADA GOBALKA JARAR
Guddiyada joogtada ah ee Golaha Xildhibaannada DDS ee kormeerka, dabagalka iyo taakuleynta mashaariicaha iyo adeegbixinta ka waday gobolka Jarar ayaa soo gabo’gabeeyay kormeerkoodaasi.
Xubnaha guddigan oo xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha gobolka Jarar Mudane Axmed Xuseen ayaa usoo bandhigay waxyaabaha ay kusoo arkeen degmooyinka gobolka ee ah adeegbixinta iyo mashaariicaha, kuwa dhalliilaha leh iyo kuwa bogaadinta leh ee loo baahan yahay in ay iska saxaan gobolku.
Guddigan ayaa dhanka kale degmo walbana maamulkeeda la wadaagay wixii dhalliil ah ee jira dhinacyadaasi, wixii kale ee mashaariico iyo baahiyo ee jirana waxaa lala wadaagi doonaa lagulana xisaabtami doonaa heer deegaan sida ay warbixinta ku sheegeen guddiga xildhibaannadaasi.