GUDIGGA JOOGTADA XILDHIBAANADA DDS OO KORMEERAY DAGMOOYINKA QAARSADUULA IYO DHEEKA-SUUFTU.
Guddiga joogatada ah ee Golaha Xildhibaannada DDS ayaa soo kormeeray mashaaricaha horumarineed iyo xarumaha adeeg-bixinta ee degmooyinka Qarsaaduula iyo Dheeka-suuftu.
Guddiga joogtada ah oo wali ku gudajira socdaalkooda ay uga kuurgalayeen xaalada adeeg-bixinta guud ee gobolka Liibaan iyo halka ay marayaan mashaariicaha horumarineed ee socda ayaa waxay uga horeyn kulan la yeesheen qeybaha kale duwan ee shacabka si wax looga ogaada xaalada dhabta ah ee shacabka iyo baahiyaha aas-aasiga ah,
sidoo kale xildhibaanada ayaa waxay qiimeyn iyo dabagal kusoo sameeyeen xarumaha adeeg-bixinta iyo mashaaricaha horumarineed ee ka socda gudaha degmooyinka Qarsaaduula iyo Dheeka-suuftu.