GUDIGA JOOGTADA AH EE XILDHIBAANADA DDS OO KORMEER U AADAY MAGAALADDA QABRIDAHAR.
Guddiga joogtada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa soo kormeeray xarumaha adeegbixinta iyo mashaariicaha ka socda Maamulka Magaalada Qabridahar.
Guddiga oo mudooyinkii udambeeyey kormeer ku marayay qaar ka mida degmooyinka gobolka Qorraxey, ayaa soo kormeeray dugsiyada waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo mashaariicaha horumarrineed ee ka socda magaalada Qabridahar.
Kormeerkan oo ay ujeedadiisu ahayd dabagalka iyo qiimaynta tayada xarumaha adeeg-bixinta iyo ukuurgalidda heerka ay marayaan mashaariicuhu ayaa waxaa kormeerkan guddiga ku wehelinayay masuuliyiinta maamulka magaaladda Qabridahar.