GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir ayaa soo xiray Tababar aqoon kororsi ah.
Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa soo xiray Tababar aqoon kororsi ah oo muddo sedex maalin Magaalada Muqdisho ugu socday suxufiyiinta Soomaaliyeed taasi oo lagu baranayay Tebinta Colaadaha & Badqabka Suxufiga.
Tababarkaan oo ay iska kaashadeen Agaasinka Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir iyo Xafiiska UNSOM, ayaa waxaa ka faaโideystay 40 Wariye oo ka howlgala Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka kala socday Warbaahinta gaarka loo leeyahay, Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta Maamulka Gobolka Banaadir.