Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay ciidanka wadooyinka .
Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir ahna Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista sharuucda iyo Tariifada ay qaadaan ciidanka Nabad-galyada Wadooyinka Mudane Ciise Maxamud Guure ayaa markale kulan la qaatay xubnaha Guddigaas isagoo ka dhageestay warbixino quseeya sidii dib u casriyeen loogu sameyn lahaa Sharuucda iyo Tariifada la xariirta isticmaalka Wadooyinka.