GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA 2aad EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA
Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshir “Abshirow” ayaa shir guddoomiyay kulanka 13aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo looga dooday Hindise Sharciyeedka Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka waxay go’aamiyeen in labada Hindise Sharciyeed lagu soo daro ajendooyinka ugu soo horeeya ee Kulanka Guud ee Golaha Shacabka.