Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Guddoomiyaha Guurtidda oo ka Hadlay Dariiqa Loo Marayo Xalinta Xaaladda Magaaladda Laascaanood…
 Guddoomiyaha Guurtidda oo ka Hadlay Dariiqa Loo Marayo Xalinta Xaaladda Magaaladda Laascaanood…
Wararka

Guddoomiyaha Guurtidda oo ka Hadlay Dariiqa Loo Marayo Xalinta Xaaladda Magaaladda Laascaanood…

by Raad Raac January 10, 2023 6 0 Comment

AA

Guddoomiyaha golaha Guurtidda JSL Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in wefti ka socda golaha Guurtidu ay ka qayb qaadanayaan xalinta xaaladda ka taagan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaanu tilmaamay guddoomiyuhu in gole Guurti ahaan xaaladda ka taagan gobolka Sool wixii dhibaato ah ee yaalla in wax ka qabashadeedu ay u taalo, isla markaana golaha Guurtidda looga baahan yahay in ay qayb ka noqdaan ergooyinka iyo wufuudda u baxay gobolka Sool.

Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa kaloo uu sheegay in ay hadda degan tahay xaaladda magaaladda Laascaanood, balse ay lagama maar-maan tahay in la hello cidii la wada hadli lahaa ee ka mid ah madax dhaqameedka, odayaasha, iyo waxgaradka gobolka Sool.

Waxaanu xusay guddoomiyaha Guurtidu in xalinta xaaladda Laascaanood la la kaashan doono oo ay door fiican ka qaadanayaan dadka reer Sool, iyadoo na ay bilaabeen ba arrinta, isla markaana waxgaradka reer Sool la siinayo in ay hawsha soo gaadhsiiyaan heer lagu wada hadli karro.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kal-fadhigii 80-aad ee golaha Guurtidda JSL oo shalay dib u furmay, kadib markii uu goluhu ka soo noqday fasaxoodii dastuuriga ahaa oo dhamaa muddo 45 maalmood.

Hadalkii uu guddoomiye Saleebaan furitaanka kal-fadhigaasi ka jeediyay ayuu kaga hadlay laba arrimood oo kala ahaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee dalka ka socoto, iyo sidoo kale xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Guddoomiye Saleebaan, oo ka hadlayay xaaladda ka taagan gobolka Sool, waxa uu yidhi “Hawl-gal baa la inaga rabaa culus. Laba arrimood uun bay ila tahay in aan kal-fadhigan ku furno. Midi waa diiwaan-gelintii. Xaaladda gobolka Sool, wixii dhibaato ah ee yaalla, wax ka qabashadeedda ayaa inoo yaalla. Waa in aynu ku biirno ergooyinka iyo wufuudda u baxay gobolka Sool.

Raggaa inaga horeeya, ee dadka gobolka Sool u dhashay ay ka midka yihiin, ee waxgaradka leh, ee siyaasiyiinta leh, ee odayaasha leh, ragg fara badan oo nabad ka talinaya na sanadkan waan arkay.

Markaa ha loo diyaar garroobo in aynu inagu na (Guurtidda) goobta joogno. Ha na u diyaariyaan dadka, sidii wax u dhaceen, sidii wax loo qaban lahaa, iyo side ayaynu u daawaynaa xaaladda taagan? Waala gelayaa arrinta, markaa waxaan leeyahay ALLE SWT ha ina la qabto”.

“Hadda xaaladu ilaa xad way kala degtay. Laakiin, waa in aynu helnaa cidii la wada hadli lahaa. Wax ka qabadkeeda na, waxaynu la kaashanaynaa oo door fiican ka qaadanaya dadka reer Laascaanood waanay hawl-galeen. Laakiin, hawsha waynu wada qabanaynaa. Iyaga ayaynu siinaynaa heer aynu ku wada hadalno si loo gaadho” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Magaaladda Laascaanood waxaa maalmahan ba ku sugan wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka soo jeedda gobolkaasi.

Geesta kale guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland waxa uu ka hadlay kaalinta ay gole ahaan ka qaadanayaan hawsha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota dalka. “Diiwaan-gelintu meel fiican bay maraysaa, waanay dhaw-dhaw dahay. Laakiin, ma dhama.

Wixii aynu ku kordhin karno, ee wacyi-gelin ah, ee aynu dadweynaha odhanayno ha la qaato kaadhka codbixinta, haynu muujino awoodeena. Ha la soo baxo, oo ha la is-diiwaan-geliyo” ayuu yidhi guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland.

Dhinaca kale Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xidhitaankii ka-fadhigii shalay mudaneyaasha ku war-geliyay in ay geli doonaan fasax kaloo gaaban oo 15 maalmood ah, si ay uga hawl galaan xaaladda ka taagan gobolka Sool iyo sidoo kale diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota goboladda dalka.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.